Booliska Federaalka dalka Itoobiya ayaa gudaha Magaalada Addis Ababa ku qabtay lacag doolar ah iyo hub si sharci darro ah usoo galay dalka.
Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya Zeinu Jamal, oo shir jaraa’id ku qabtay Addis Ababa ayaa soo bandhigay hub fara badan iyo Lacag caddaan ah oo sharci darro ah.
Zeinu Jamal ayaa sheegay in lacagta caddaanka ah ee ay qabteen ay gaareyso $10-Milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Waxa kale oo uu sheegay in Hub gaaraya 1,000 qori oo isugu jira kuwa tooska u dhaca iyo kuwa fud fudud, sidoo kalena ay qabteen 80,000 oo Rasaas ah, kuwaas oo qaab suuq madow ah lagu geliyay gudaha Itoobiya.