Kalsooni Darada Siyaasada iyo Madaxda Somaliyeed

0
281

Waxaanu ka baraney sooyaalka siyaasadaha isbedbedalka ee waddanka Soomaaliya taasoo halbeeg ama erey bixin cusub loo yeeley tusaale hadaan soo qaato shirarki kala duwana ee sida Soodare Itoobiya, Qaahira Masar, Balcad Soomaaliya, Carta Jabuuti, Eldoret Kenya , Asmara Eriteria, Kampala Uganda iyo Muqdisho magaalo madaxdeena.

Waxaanu xasuusanaa xiligii hogaamiye kooxeedyada in shirar marar badan uga qeyb galeen meelo kala duwan ee dibadda iyo gudahaba ah markaan sigaar ah u sheego shirkii Qaahira ayaa waxay la yimaadeen magic nagu cusbaa oo siyaasadeysan kaasoo ahaa LA GADOOMIYAAL iyadoo magacaasi uu la baaba,ay hogaamiye kooxyadii xiligaasi u kala qoqobneyd deegaanada dalka.

Markii ay dhacdey xukuumdii dhexe uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyad Barre waxaa is xigxigey waa xukuumad okumeel gaar ah laga soo bilaabo Ali Mahdi, Abdiqasim Salad, Abdullah Yusuf, Shekh Sharif Sh Axmed, iyo ilaa Dowladii aqoonsi caalamiga heshey ee Madaxweyne Hasan Shekh Maxamud taasoo dhistey Maamul goboleedyada hada jira markii laga reebo Puntland 1998 iyo Somaliland 1991 gooni isutaag ah weli wax ictiraafaan helin.

Xakuumadda hada jirtaa oo uu hogaamiyo Mohamed Abdullah Farmaajo ayaa waxay ku guuleysatey isfaham labada masuul ee Madaxweynaha iyo R/wasaare Hasan Ali Kheyre taasoo ay kaga duwan yihiin xukuumadahii kaga horeeyey kana dambeeyey oo la dhisey dagaaladii sokeeye kadib. Waxaa heysta caqabad siyaasadeed oo arimaha dibadda, gudaha oo u sababa ah Madaxweyne Goboleedyada hada jira taasoo aad mooddo kuwii waagii shirkii Qaahira ee la baxay magacii LA GADOOMIYAAL taasi bedelkeeda waxaanu dhihi karnaa tan shirkii Brusseles ee 2018 LA MADAXWEYNIYAAL.

Magacyada la socda hadba siyaasada cusub ee soo marta dalka ayaa ah magacyada kan ugu liita ee wax u dhimaya heykalka iyo sharafta Dowladda dhexe ee JFS (Jamhuuriyda faderaalka Soomaaliya). Maamul goboleedow magaca hada la idinku yeero waxaan soo jeedin lahaa in laga dhigo HORJOOGAHA MAAMULKA ama MAAMULAHA MAAMUL GOBLEEDKA Maahmaah Soomaaliyeed ayey waxay ahayd (Madax hortiisa mundul lama galo) mundul waa guryaha cooshada ka dhisan ee laga dhisto KGS, Waaceeb isbarbaryaaca iyo wax isuquuri la,aanta ka muuqata shirarkii London iyo Brusseles maaha biseyl siyaasadeed waa is aamin darro qaawan ee wax ku qaata Maamullada ka jira Dowladaha deriska.

Madaxda dalka waxaanu soo jeedin lahaa iney la yimaadaan siyaasad cad oo dhan walba leh iyadoo lagu caddeynaayo Dastuurka Dalka u yaalo oo dhamaystiran ,iney u dhego nuglaadan baaqyada kala duwan ee qeybaha kala duwan ee bulshada sida Mucaaradka iney la fadhiistaan, Muqdisho oo yeelata Golle maamul oo leh awood xadidan si ay u fulaan awaamiirta maamulka gobalka oo ah kuwo jilicsan dhanka amniga, dhaqaalaha, nadaafada iyo bulshada waayo? wada tashila,aan waxba ma suuroobaan .waxaan oran lahaa meelaad madaxeeda tahay la iskama dhigo majaheeda.

Okash Sugow Mohamed @okashasugow
(sugoow55@hotmail.com)