Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in uu dhisay gudi la magac baxay guddiga dhaqaalaha Qarankaisaga oo cuskanaya cuskanaya qodobka 87 iyo 90 aad ee Dastuurka KMG.
Xeerkan oo ku taaariikheysan in uu soo baxay 12kii bishan July waxaa lagu faafiyay qaab dhismeedka uu noqonayo guddiga Dhaqaalaha Qaranka.
Guddigan ama golaha ayaa la sheegay in ay noqon doonaan kuwo kala taliya dowladda arrimaha la xiriira siyaasada Dhaqaalaha iyo Maaliyadeed ee dalka.