Wasiirka Wasarada Waxbarashada oo Shegay Ineysan Aqoonsaneyn Jaamacadaha Ka Howlgala Dalka

0
62

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo la hadlay warbaahinta ah ayaa sheegay Wasaaradda Waxbarashada in aysan aqoonsaneyn Jaamacadaha ku yaalla dalka.

Wuxuu sheegay Wasiir C/raxmaan in Jaamacadaha dalka ku yaalla keliya ay siiyeen aqoonsi ay ku shaqeeyaan, balse uusan jirin aqoonsi rasmi ah oo Jaamacad ahaan ugu aqoonsan yihiin.

Wasiirka ayaa wuxuu tilmaamay in xitaa Wasaaradiisa aysan aqoonsaneyn Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo ah Jaamacad dowladda Soomaaliya hoostagta.

Si kastaba arintu ha ahaatee hadalka wasiirka ayaad moodaa in uu yahay mid iska hadal ah sababtoo ah jaamacahada ka howl gala dalka maadama ay aqoosiga ay ku howlgalaan siiso wasarada waxbarada hadana sidey wasarada u dhihi kartaa ma aqoonsanin.

Dhinaca kale wasarada waxbarashada ayaa ah sidedaba mid magac u yaal ah maadama dhamaan iskuulada iyo jamacahada ka howl gala dalka aysan ku jirin mid ay xukumada sameysay.