Howlgalo Xalay Ka Dhacay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir oo Dhaliyaro Lagu Soo Qabqabtay

0
50

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hawlgalo ka bilaabay xaafado ka tirsan degmada heliwaa ee gobolka banaadir subixii hore ee saaka.

Ciidamada hawlgalka sameeyay ayaa waxa ay isugu jireen Millatari, Nabad Sugid iyo Boolis, waxaana ciidanka ay galeen inta uu hawlgalka socday guryaha qaar, oo ay ka soo sareen dhalinyaro.

Dhalinyarada hawlgalkan lagu soo qabtay ayaa la isugu keenay barxad weyn oo ku taalla xaafada Suuqa Xoolaha, halkaasi oo ciidanka dhalinyarada ay ku kala saareen.

Saraakiisha hoggaamineysay hawlgalkan iyo maamulka degmada Heliwaa ayaa waxa ay sheegeen ujeedka hawlgalkan inuu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka degmada, sidoo kalena looga hortagi lahaa inay dhacaan falal ka baxsan ammaanka.