Wasiirka Wasarada Waxbarashada Dowlada Federaalka oo Xilka Laga Xayuubiyey

0
69

Digreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26-ka July 2018 waxaa xilkii Wasiirnimo looga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Wareegtadan ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inuu xilkan sii heynayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Digreetada Wasiirka xilka looga qaaday ayaa waxaa warbahinta u aqriyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Aadam Isxaaq Cali.

Sababta xilka looga qaaday Wasiirka ayaa waxaa loo badinayaa inay tahay hadal uu warbaahinta ka sheegay maalintii shaley oo ahaa in wasaaradiisa aysan aamacadaha ku yaalla dalka xitaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.