Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha ku aaddan iswaafajinta Dastuurka iyo sharciyada la xariira arrimaha xadka ee aynu la wadaagno Waddamada deriska ah iyo xal ka gaarista caqabadaha xudduuddaha maamul Goboleedyada dalka.
Guddoomiyaha guddiga xudduudaha iyo federaalka Soomaaliya Khalliif C/kariin Maxamed ayaa sheegay in ay kulamo la qaateen guddiyada howlahan u xil-saaran ee Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, iyagoo ka munaaqishooday sidii arrintan xal buuxa looga gaari lahaa.
Guddoomiye Khalliif ayaa sheegay in xudduuddii rasmiga ahayd ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya ay tahay Silig uu gumeystihii Ingiriiska ku kala xadeeyay Labada dal, balse ay Dowladda Kenya isku dayday inay Gidaar ka dhisto, taasoo ay Dowladda Soomaalya ka biya diidday.
Xudduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu sheegay inay dhowr mar Ciidanka Liyuu Boolis ka geysteen shaqaaqo ay ku dhinteen dad shacab ah, taas oo ah mid u baahan in Labada dowladood ay ka wada xaajoodaan si dhibaatada xadka ka jirta loo yareeyo.
Wuxuu sheegay Guddoomiye Khalliif, in ay Madaxda dalka ugu sarreysa ay u gudbiyeen caqabadaha ka jira xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto dalalka deriska ah, qorshaha arrimahaa kaga degsanna uu meel wanaagsan marayo.