Jaaliyada Somaaliyeed ee Kanada oo Ka Hortimid Go,aankii Xukuumada Ay Ku Taageertay Sacuudiga

0
80

Qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee ku nool dalka Canada ayaa ka hor yimid go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku garab istaagtay Sacuudiga, khilaafka kala dhaxeeya dalka Canada.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku deg degtay taageerada dalka Sacuudiga, waxayna tilmaameen in ay muhiim aheyd in dhex dhexaad ay ka qaadato si la mid ah khilaafkii khaliijka.

Sidoo kale jaaliyadda Canada ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku habooneyd inay eegto danaha dadkeeda ka hor go’aan qaadashada, maadaama Canada ay ka mid tahay dalalka ugu badan ee soo dhaweeyay Soomaalida.

Si kastaba arintu ha ahaatee eeda ay sacuudiga usoo jeedisay xukumada Kanada ayaa ah mid aan loo baahneyn in sacuudiga ay u aragto wax dhib ah maadaama ay maanta sacuudiga ay fara gelin weyn ku heyso wadamo badan oo ka tirsan africa iyo weliba khaliijka.