Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu ku magacaabay Garsooreyaasha Maxkmadda Sare ee dalka, kadib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed.
Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:
1– Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.
2– Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.
3– Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.
4– Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.
5– Garyaqaan Axmed Cali Muuse.
Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan xilalkii Garsoorenimo ee Maxkamadda uga qaaday xubnaha kala ah:
1– Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.
2– Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed.
3– Mudane Maxamuud Axmed Faarax.
4– Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed.
5– Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed.
6– Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey Garsoorayaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.