Buundo aad muhiim ugu eheyd isku socodka magalada kisimaanyo iyo tuulooyinka oo aay horey u burburiyeen xarakada alshabab ayaa maanta lagu bilaabay dib u dhis.
Buundadan oo magaalada Kismaayo ku xirta deegaanada uu maro webiga Jubba ee waqooyiga gobolka ayaa waxaa aad u isticmaali jiray gaadiidleeyda isa gooshta Kismaayo iyo gobollada kale ee dalka, waxaa sidoo kale wadadan isticmalai jiray gaadiidka qudaarta ka keena beeraha gobolka.
Magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxaa ka jiray sicir-barar dhanka qudaarta ah, maadaama ay istaageen gaadiidkii ka iman jiray deegaanada gosha ee waqooyiga gobolka J/hoose ee ay ka iman jirtay khudradda.
Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud Lugadheere, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo saraakiil ciidan ayaa maanta kormeeray howlaha dib u dhiska ee lagu bilaabay buundadaasi.