Turkiga oo Ku Hanjabtey Iney Joojin Doonta Ku Ganacsiga Lacagta Doolarka

0
48

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay in uu dhagaha ka fureysanayo handadaadda uga imaanaysa Mareykanka ee ku saasban xariga baadari Ameericaan ah oo Turkigu u haysto eedo la xiriira argagixisanimo.

Erdogan ayaa Mareykanka uga digay in Turkigu uu diyaar u yahay in uusan ku ganacsan wax doolar ah.

Madaxweyne Erdogan oo la hadlayay boqolaal qof oo isugu soo baxay magaalada Unye ee Waqooyi bari Turkiga ayuu u sheegay in ay khalad tahay in baadari dartii Turkiga jilbaha dhulka loo dhigo.

Waxa uuna intaasi ku daray in dalkiisa uu diyaar u yahay in baayacmushtarigiisu uu ku saleeyo lacag aan doolar ahayn uuna la baayacmushtaro dalal ay ku jiraan Shiinaha, Ruushka,Iiraan iyo Ukraine.

Erdogan ayaa ugu baaqay shacabkiisa in ay dalkooda taageeraan oo lacagaha qalaad ee ay haystaan ay ku bedeshaan liiraha dalkooda.