Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen C/wali Xuseen Jaamac “Gorod” ayaa ku amray Ciidamada xoogga dalka in ay ilaaliyaan Xeerarka Caalamiga ah ee ilaalinta Xuquuqda Aaddanaha.
Taliye Gorod ayaa faray ciidammada xoogga inay u hoggaansamaan dhowridda xeerka caalamiga ee xuquuqda aadanaha marka ay samaynayaan howlgallo militari.
Waxaa uu digniin ku bixiyay in ciidammada aanan ilaalinin xuquuqda aadanaha lala tiigsan doono maxkamad.
Xeerka dhowridda xuquuqda aadanaha waxaa kamid ah difaacidda shacabka iyo in aanan burbur loo gaysanin hantida shacabka marka ay howlgallada socdaan.