Ul Toosan oo Tubta Taallo wixii loogu Tagay Ayeey Qabtaa

0
57

Kadib wararkii ka soo yeeray Malaaq Xasan Shure iyadoo ay hareero fadhiyaan Xildhibaano koonfur galbeed u matala Baarlamaanka Federaalka & midka koonfur galbeed, kuwaasi oo ahaa kuwa uu soo Adeegsaday Hogaanka koonfur galbeed Madaxweyne Shariif Xasan, runtii Hadalkaasi oo ah fal-danbiyeed ay u bareereen Xildhibaanadaasi.

Falkaasi oo ah Dhiira-galin Colaadeed ayaa waxaa ka soo baxayaaya jawaabo aad u kul-kulul oo ka ka imaanaaya qeeybaha kala gedisan ee Bulshada koonfur galbeed ee Dalka & Dibadiisa, kuwaasi oo dhamaantood fal-celintooda ay isku mid eheeyd iyagoo ku muujinaayay sida ay ugu Xumaadeen hadalkaasi Dhiilada xambaarsanaa ee ka soo baxay Madaxtooyada koonfur galbeed,

Aqoonyahanada waxa ay sheegeen Hadalkaasi in uu yahay Fal-danbiyeed, iyo waliba waxa uu dhuminayaa kalsoonidii jilicsaneeyd ay reer koonfur galbeed idinku qabeen , iyadoo waliba Malaaq Xasan Shure ay ku Eedeeyeen in uu waxba ka qaban waayay arintii Naxdinta laheyd ee Dilkii Rabi ha u Naxariisto Marxuum waziir Cabaas Siraaji ee uu Malaaq Xasan Shure yahay Malaaqii Marxuumk.

Hadaba odayaasha sharafta leh ogaada waxaa tihiin marjicii ummadda hadeey is qabsato usoo noqon laheeyd ma idinku fiicno in aad garab la safataan, waxaan wada ognahay shariifka qaabkii uu ku yimid, iyadoo ay diidan yihiin reer koonfur galbeed iyo waliba kaalintii qadarinta laheyd ee uu ka soo qaatay Malaaqa Xasan Shure si walba haku yimaado 17/11/2014, Guud ahaan Deegaanada Koonfur galbeed wax dhib ah kama jirin gaar ahaan wadooyinkiisa iyo isku socodkiisaba , iyadoo sidaa eheeyd ayuu yimid Maamulka Kumeel-gaarka koonfur galbeed iyadoon shacabka raali ka eheeyn laakin ay awood & dan ku qasabtay.

Waxaan hubaa shakhsiyan in aan loo nacbaneyn shariifka laakin waxa leeysku heeystaa ay yihiin Xisaabtan, muxuu qabtay oo Maamulka shariifka intii uu jiray waxaan u arkaa in aysan ceeyb eheeyn oo cid walba oo masuul ah xisaabtaan la weydiinaayo ayna xaq tahay in la weeydiiyo….

Hadalada Malaaq Xasan Shure iyo kuwa ku jira Maamulka Kumeel-gaarka koonfur galbeed ee ka hadlaaya wax qabadkii hogaamiye Shariif Xasan waxeey ku soo koobeen guryo gaa-gaaban ayuu dhisay oo la dhaho madaxtooyo , Noole kastaa waxa ugu horeeyo ee uu qabanaayo waa Hooygii uu degi lahaa & Detiseeynta Hooygiisa , ileeyn Qofka kaligiis meel cidla ah ma degi karo.

Waxa u baahan in la is weydiiyo waxay tahay ma jirtaa wax horumar ah oo la taaban karo oo uu maamulku qabtay sida Amniga , Amaanada , Adeegyada Aas-aasiga , Jawaabtu wexey tahay maya taas badalkeeda wuxuu dhumiyay kalsoonidii iyo wadajirkii Shacabka koonfur galbeed maxaa yeelay kama taliyo Maamulka shariifka Gobolada Sh/hoose & Bakool.

siyaasad ahaan wuu ku fashilmay in uu wax ka qabto Goboladaas oo aan wada ognahay xaaladooda halka ay mareeyso, waliba xaalada Gobolka Shabeellaha Hoose uu meel fagaara ah uu ka dhahay Duruufo jiro awgood ayaan wax ugu qaban waayay.

Kadib markii uu garwaaqsaday Duruufahaas dartood in uu wax u qaban waayay waxeey eheyd in uu markaasi is casilo ku soo noqosho warkeeda iska daayo , dhinaca xiriirka BEESHA-CAALAMKA & la MACAAMILKA DOWLADA-DHEXE iyagana wuu ku fashilmay.

Ugu danbeeyntii waxaan Xildhibaanada sharafta badan aan ugu Baaqayaa in ay Shacabka ay matalaan u dooraan Hogaan Amaana leh oo intaan aan soo sheegay iyo kuwa kaloo badan oo jirta shacabka wax ugu qaban karo , soo noqoshada SHARIIFKA waxey la micna tahay (DABA-GAALE ABEESO ILMO HAKA DHALO).

Wakiilka Maamulka Kumeel-gaarka koonfur galbeed ee UK +EU
Dr Cali Cabdi Baab