Xukuumada Somaliya oo Loogu Baaqay Inay Ka Hortagto Xadgudubka Loo Geysto Shacabka

0
85

Warbixin cusub ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku talisay in laga faa’ideysto horumarka muhiimka ah ee geedi socodka nabadda, islamarkaana aanay markale dhicin xad gudubyadii dhacay doorashadii 2016-2017-kii.

Sidoo kale warbixinta ayaa waxa ay sheegtay inay xad gudubyo geysteen ciidanka NISA iyo Booliska oo qeyb ka ah ciidamada ammaanka iyo Ururka Al Shabaab, intii lagu guda jiray Doorashooyinkii Baarlamaanka iyo midii Madaxtooyada 2016-2017.

Qaramada Midoobay ayaa waxay kaloo warbixinteeda ku sheegtay in la dilay 44 ruux oo isugu jira kaabe Qabiillo iyo ergadii doorasho ee waqtigaas, kuwaasi oo ay ku jiraan Saddex Dumar ah.

Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta Soomaaliya in ay dhistaan ​​nidaam wakiil oo ay ku jiraan dhammaan muwaadiniinta, iyada oo ku saleysan mabda’a hal qof oo hal cod ah, oo wajahaya doorashooyinka la qorsheeyay 2020-2021.