Waxaa si xowli ah maalmalahan uga socda magalada baydhaba u diyaar garow loogu jiro doorashada dhici doonta Novembar 17, 2018 taasoo loo tartamayo ruuxii hogaamin lahaa maamulka goboleedka koonfur galbeed oo uu hada xilkiisa hayo Shariif Xasan.
Doorashooyinka ayaa ilaa iyo hada waxaa la sheegayaa in ay ku tartami doonaan dhow ruux oo qaarkoodba hada bananka isasa soo dhigey oo uu ugu horeeyo Aadan Saransoor iyo Maxamed Adan Ibrahin Farkeeti, Balse suaasha la is weydinayaa wexey tahay labadaa masuul ma lagu aamini karaa masiirka shacabka koonfur galbeed.
Aan ku horeyno Adan Maxamed Nuur Saransoor, Waxaa uu ka tirsanan jirey gudiga fulinta RRA oo halgan dheer usoo gashay sidii ay markaasi uga xoreyn laheyn deeganada koonfur galbeed kooxo kasoo kicitamay gobolada dhexe oo markaasi xoog ku heystey guud ahaan gobolada koonfur galbeed.
Kadib kolkii ay RRA gacanta ku dhigtey gobolka Bay ayaa kooxo uu hormuud ka ahaa Adan Saransoor waxaa ay heshiis hoosaad la galeen kooxihii markaasi ku sugnaa gobolka shabelaha hoose waxaa ayna hor istaag ku sameeyeen in RRA ay sii wado halgankii ahaa in gobolka shabelaha hoose ka saarto kooxihii markaasi xooga ku heystay.
Adan Saran Soor qaladaadka kale ee uu ka galay shacabka koonfur galbeed waxaa ka mid ahaa dowladii Cabdullahi Yusuf Kolkii ay ka howl geli weydey magalada muqdisho waxaa ay go,aansatay iney usoo guurto magalada baydhabo halkaasi oo ay dooneysay iney ka howl gasho, Kadib kolkii ay timid magalada baydhabo Adan Saransoor waxaa uu ka mid ahaa kooxihii dagalka weyn la galey in dowlada aysan ka howl gelin magalada baydhabo isagoo heshiis arintaas kala galay isbaheysigii Dooxada Jubba ee uu hormuudka ka ahaa Bare Hiiraale oo markaasi mucaarad ku ahaa dowladii Cabdullahi Yusuf.
Saransoor markii dambe waxaa uu ku biirey kooxdii Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan ee Eritrea halkaasi oo uu kasoo mid noqdey xildhibaanadii la socdey Shariif Xasan waxaana uu xildhibaan ahaa in ka badan 4 sanadood mana jirto wax uu deegaanada koonfur galbeed u qabtey oon aheyn in uu guryo ka dhisto magalada baydhaba isla markaana dantiisa uu ka hormariyo danaha shacabka koonfur galbeed.
Waxaa kaloo xasuusin mudan in beesha uu ka dhashay ee Hadama u kala qeybiyey shir mooge iyo khamiisle si uu danahiisa u gaaro, Maadaama beesha uu ka dhashay uu kala qeybiyey iskana hor keenay sidee buu u noqon karaa hogaan isku keena shacabka deeganada koonfur galbeed oo ay degan yihiin in ka badan 36 qabiil.
Maxamed Aadan Ibrahin Farkeeti waxaa uu ku noolaa dalka sacuudiga inta uusan u wareegin dalka Australia oo uu waqtiga xaadirka ku nool yahay, Inta uu sucuudiga ku noolaana waxaa kuu ka shaqeyn jirey subermarket lagu magacaabo Sarwaaq oo ku yaala magalada jiddah ee dalka sacuudi arabia.
Farkeeti isaga oo ku sugan dalka Australia ayaa waxaa uu go,aansaday in dalka uu dib ugu soo laabto isagoo markaasi bilaabay inuu isku keeno odayaasha koonfur galbeed oo xiligaasi kala daadsanaa isagoo gacan ka helaya Suldaan Warsame, Taasi oo u suurta gelisay inuu xiriir hoosaad la sameeyo Prof Jawaari oo markaas aan wax xirir ah la laheyn odayaasha dhaqanka isla markana hor boodayey qeyb ka mid ah siyaasiyiinta koonfur galbeed.
Markaasi ka dib Farkeeti waxaa uu isku sharaxay inuu ka mid noqdo xildhibaanada koonfur galbeed u matali lahaa dowlada federaalka taasoo uu awoodi waayey in uu ku soo boxo culeys badan oo uga yimid dhinaca shariif Xasan.
Markaasi ka dib Farkeeti waxaa uu sii adkeeyey xiririkii kala dhexeeyey Prof jawaari oo markaasi noqday gudoomiyaha baarlamaanka si uu uga mid noqdo golaha wasiirdada dowlada federaalka somaliya, Taasoo markii dambe uu Prof Jawaari ku guuleysto in Maxamed Adan Farkeeti usoo dhiciyo wasiirka maaliyada ee dowlada federalka somaliya.
Farkeeti ayaa intii uu ahaa Wasiirka Wasarada Maaliyada sida la sheegayo waxaa uu lunsaday lacag badan wax badana wuu is daba marsiiyey hanti uusan horey u laheyna wuu ka sameystey, Balse ma jirto wax la taaban karo oo uu u qabtay deeganada koonfur galbeed ama deegaanka uu kasoo jeedo, Waxaase jiri kara shaqsiyaad ku hoos noolaa oo maanta marka ay arkaan qoraaladan dhihi doona wax ayuu qabtey, Balse somalidu wexey ku maahmaadaa “I Tus oo I Taabsii Shacabka Tus”
Isku soo wada duub ma filaayo koonfur galbeed in maanta ay u baahan tahay musharax kale oo danihiisa gaar ahaaneed ku fushada masiirka umada, 4 sano oo dib u dhac ah ayey soo mareen shacabka iyo deeganada koonfur galbeed, Umana baahna 4 sano oo darxumo ah waana nasiib daro in maanta shaqsiyaadka qaarkii in magaca iyo shacabka koonfur galbeed ka dhigtaan jaranjaro ay ku gaaraan danahooda gaarka ah.
Umadyahay Xisaabiya Ruuxaad Masiirka Umada Rabtaan in aad ku Aamintaan Waa Hadii la Doonayo in Koonfur Galbeed ay la Jaan Qaado Maamul Goboleedyada Kale.
Qormadii M Run Sheeg