Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay taliyayaal ciidan iyo waliba Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen CabdiWali Xusseen Gorad, waxaanan xilkan loo magacaabay Daahir Aadan Cilmi.
Fahad Yaasiin oo horay u ahaa agaasimaha guud ee madaxtooyada ayaa hadda noqonaya ku-xigeenka taliyaha hay’adda sirdoonka Qaranka, halka agaasimaha guud ee madaxtooyada loo magacaabay Dr. Aamina Siciid Cali
Hoose ka akhriso magacyada xubnaha la magacaabay iyo kuwa xilalka qaaday :
1- Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Habrgidir, Sacad
2- S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Shiikhaal.
3- G /Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Hawiye, Abgaal.
4- Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018 waxa uu Madaxweynahu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka/ Reer Aw Xasan.
5- S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Habrgidir, Sacad.
6- G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Dir, Surre.
7- G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda, Mareexaan