Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaweyd ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda dalka Jabuuti.
Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti ayaa salka ku haya xoojinta xiriirka labada dal, iyo arrinta xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhalatay safarkii uu ku tagay Eritrea.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmaya dhiggiisa Jabuuti, iyagoo ka wada hadlaya arrinta gobolka Geeska Afrika iyo is bedelada u dambeeyay ee ka dhacay.
Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay dadaal u gali doonto sidii loo soo afjari lahaa khilaafka dowladdaha Jabuuti iyo Ertirea, waxaana socdaalka madaxweynah uu imanaya iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho ay soo gaareen wafdi ka socday dalka Eritrea.