Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheikh ayaa lataliye sare oo ka tirsan xafiiskiisa u magacaabay Taliye ku xigeenkii Hay’adda NISA C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ee dhawaan xilka laga qaaday.
Gudoomiyaha baarlamaanka iyo C/qaadir Maxamed Nuur ayaa labadaba horey uga soo wada shaqeyey saafaradda Soomaaliya ee dalka Turkey taasoo keentey in hadana uu gacanyare ka dhigto ayadoo aan weli la ogeyn sababta dhabta ah ee looga eryey xilkii uu ka hayey NISA.