Dowalada oo Faahfaahin Dheeri Ah Ka Bixisay Howlwadeeno Ka Tirsanaa Dekada oo Shalay La Xiray

0
48

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay xariga 10 xubnood oo ka tirsanaa howlwadeennadii dekedda Muqdisho oo ku eedeysan musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dad-weyne.

Dadka la soo xir xiray oo isugu jiray mas’uuliyiin iyo qaar ka mid ah ciidamada ilaalada canshuuraha dekedda ayaa xabsiga lasoo dhigay kaddib markii lagu eedeeyay in ay musuq-maasuqeen hantidii ay maamulkeeda gacanta ku hayeen.

Gen Cabdullaahi Xassan Bariise oo ah taliyaha hoggaanka Canshuuraha Barriga ayaa warbaahinta u faah faahiyay xarigga mas’uuliyiinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyay-ba ku howlaneyd ka hortaga musuq-maasuqa, waxaana xusid mudan in dadka arrimahan lagu soo eedeeyay islamarkaana shaqo joojinta lagu sameeyay ka mid yihiin Wasiirro, Saraakiil Ciidan, Garsoorayaal maxkamadeed iyo Agaasime waaxeedyo.