Xujeyda ayaa saakay ka soo ambabaxay degaanka Mina iyaga oo u soo jiheystay degaanka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka.
Ciidamo aad u fara badan ayaa la soo dhigay wadooyinka waaweyn ee magaalada Maka Al-mukarama, waxaana gawaarida laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka masaajida barakaysan ee Xaramka u jira 2-KM.
Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga Dr. Maxamed Saalax ayaa wuxuu sheegay inay laba laabeen dadaalka iyo u adeegista martida sanadka u timid iney gudato wajibaadka xajka.
Dadyowga Islaamka ayaa berri isu diyaarinaya inay u dabaal degaan maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa oo ka mid ah Ciidaha muslimiinta.