Faahfaahin dheeri ah oo aan ka heleyno dagaal iyo duqeymo xaley ka dhacay magalada marka ee gobolka shabelaha hose ayaa sheeagaya in uu u dhexeeyey ciidama dowlada iyo kuwa alshabab ee dhawaan lagala wareegay gacan ku heynta degmada.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in deegaanka Jilib-marka oo ah wadada laga soo galo magaalada uu markii hore dagaalka uu ka bilowday, kadibna Shabaab ay u sii gudbeen bartamaha magaalada Marka oo saacado ay ka dagaalamayeen.
Meelaha sida wayn dagaalka xoogiisa uu kaga dhacay ayaa ah Kawaanka Malaayga iyo Saldhiga Booliska ee magaalada Marka iyo meelo isku muuqda ayaa halkaasi oo fariisimo ay ka sameysteen ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya.
Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa riday madaafiic ay kaga jawaabayaan weerarka Shabaab, si dhab ah looma khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, inkastoo uu jiro khasaare labada dhinac ah.