Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo Edeyn Usoo Jeediyey Masuuliyiin Ku Sugan Muqdisho iyo Garoowe

0
38

Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in amniga iyo kala danbeynta Somaliland ay dhibeyso mas’uuliyiin dhowra ah oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Muuse Biixi, waxa uu sheegay in mas’uuliyiin iminka ku sugan magaalada Muqdisho iyo Garoowe ay ku goodinayaan weerar ay ku qaadan deegaanada maamulka Somaliland.

Muuse Biixi, wuxuu sheegay in nasiib daro iyo wax laga xumaado ay tahay in xilligan dagaalo hor leh laga soo abaabulo magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, isaga oo intaas raaciyay in dagaal aanan loo baahneyn waqtigan.

Muuse Biixi, ayaa sheegay ciidanka Somaliland in waqti walba ay heegan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cid kasta oo ku soo hungawda dhulka Somaliland, midaasina aysan gacmaha ka laaban doonin, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Muuse Biixi, ayaa kusoo beegmaya xili wasiirka amniga Puntland ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland, wuxuuna tilmaamay Puntland in aysan joogsan doonin ilaa ay ka oo celiso degaanada gacanteeda ka maqan.