Dhegeyso Aadan Saransoor oo Shariif Xasan iyo Maamulkiisa Ku Eedeeyey Liiska Gudiga Doorashooyinka oo ay si Qarsoodi Ah u Sameysten

0
51

Waxaa Dhawaan la filayaa inay ka qabsoonto Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Bay Doorashada Madaxweynaha Cusub Ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Aadan Maxamed Nuur (Saran Soor) Ayaa waxa uu ka mid yahay Murashaxiinta utaagan Xilkaasi,waxa uu ku Eedeeyey Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu diyaarsaday Gudigii Doorashada qaban lahaa si fududna uu ku doonayo inuu kusoo laabto Xilkaasi.

Waxa uu dhaleeceyn sidoo kale usoo ujeediyey Gudoomiyaha baarlamaanka K/Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye uu ku sheegay inuu u jan jeero Shariifka oo warqad liiska Gudiga Doorashada loo dhiibay ayna taasi ka qeylo dhaaminayaan.

Aadan Saransoor