Maddaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Kulan La Qaatay Maddaxweynaha Dalka Shiinaha

0
58

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Mudane Xi Jinping.

Wadahadallani ayaa hordhac u yihiin Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, madaxweyne Farmaajo waxaa uu Madaxweyne Xi Jinping ku bogaadiyey dib u habaynta uu ku sameeyey siyaasadaha dalkiisa si waddanka Shiinaha loo gaarsiiyo horumar ballaaran.

Dhankiisa, Madaxweyne Xi Jinping ayaa ku ammaanay madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka gaareen dhinacyada siyaasadda, dibu dhiska dalka iyo dhaqaalaha.

Labada hoggaamiye waxa ay sidoo kale isla falanqeeyeen ka qaybgalka Soomaaliya ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) iyo muhiimadda uu leeyahay hindisaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee loo yaqaan “Belt and Road Initiative”, kaas oo fududeynaya isku xirnaanta dalalka qaybta ka ah, korna u qaadaya horumarkooda dhaqaale.

Labada dowladood ayaa kala saxiixday labo isfaham oo ku saabsan Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee labada dal oo ay kala saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.