Ciidamada Dowlada oo Maanta Ka wada Howlgaloay ay Sheegeen in Lagu Sugaayo Amaanka Degmada Afgooye

0
59

Sida aynu wararka ku heleyno ciidanka dowlada federaalka ayaa la sheegayaa in ay degmada afgooye ee gobolka shabelaha hoose maanta ka wadaan howlgalo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney baadigoob ugu jiraan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu tuhmayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Afgooye.

Al-Shabaab ayaa weerar khasaare geystay ku qaaday degmada Afgooye, habeen hore, waxaana hadda si weyn loo adkeeyay Ammaanka.

Ciidamada dowlada maha aha markii ugu horeysay oo ay sameynayaan howl galo noocan oo kale ah balse mar walba oo ay alshabab soo weerarto degmada waxaa ay gabagabeeyaan dad aan waxcba galabsan oo ku sugan deegaanka.