Duqa magalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa maanta la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara.
Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, ilaalinta xuquuqul iinsaanka iyo dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir uu ugu jiro xal u helista dhibaatooyinka haysta dadka barakacayaasha ah.
Eng.Yarisow ayaa tilmamay muhiimadda ay leedahay in Saraakiisha Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay kala shaqeeyaan hay’adaha heer Federaal iyo heer Gobol xal u helista tabashooyinka ka dhanka ah xuquuqda haweenka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay magacaabayaan guddi ka shaqeeya ilaalinta xuquuqul insaanka, gaar ahaan baaritaanka eedaymaha soo gaara Gobolka ee ku saabsan tacaddiyada.
Dhankiisa, Danjire Francisco Medara ayaa bogaadiyey qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan ilaalinta xuquuqul insaanka, isagoona ballaan qaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan baaritaannada ku saabsan arrinkan.