Alshaba oo Maanta Qarax aad u Weyn La Beegsatay Xarunta Degmada Howlwadaag

0
112

Qarax aad u weyn ayaa lagu maanta lagu weeraray Xarunta Degmada Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan lagu, balse waxaa la sheegayaa in xilliga uu qaraxa dhacaayay in shaqooyinkii maalinlaha ahaa ay ka socdeen Xarunta Degmada.

Waxa la sheegayaa in gudoomiyaha degmada howlwadaag uu xiligaasi ku sugnaa gudaha degmada uuna nabad qabo, balse ay jiraan in dhamasho iyo dhaawac ay kasoo gaareen dad kale oo xiligaasi ku sugnaa degmada.

Burbur xooggan ayaa soo gaaray xarunta degmada Howlwadaag, Waxaana goobta laga qaaday Meydad iyo dhaawacyo sidda dadkii goobta tagay Risaala u sheegeen.