Maddaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Tacsi u Diray Gudoomiyaha Baarlamaanka

0
170

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo hooyadiis ay ku geeriyootay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh oo ay hooyadiis Maamo Haajaro Cali Aadan ku geeriyootay Baydhabo.

Alle Subxaanahu Wa Tacaalaa Qabrigeeda ha u waasiciyo, ehelkii iyo qaraabadii ay ka geeryooteyna samir iyo iimaan ilah ka siiyo, Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun”ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.