Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Xukuno Kala Gedisan Ku Riday Eedeysanayaal

0
148

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa waxaa ay xukun ku riday Maxamed Cabdullahi Cadow, Weris Maxamed Cumar, Xasan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ayagoo labadaba loo heystay in ay la shaqeeyaan Alshabab.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow ayaa Ciidamada amniga soo qabteen 22-kii bishii 4-aad ee sanadkan, iyadoo xilligaas lala xiriirnayay Al Shabaab, waxaana ciidamada amniga oo hayay xogta eedeysanaha ay xilligaas kadib ku wareejiyeen Hay’adaha baarista, waxaa uuna eedeysanaha fududeeyay in ay gacanta dowladda soo galaan Eedeysanayaasha kale:- Waris Maxamed Cumar, Xasan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe.

Hey’adaha baarista ayaa intaas kadib u soo gudbiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna xafiiska xeer ilaalinta weydiisteen Maxkamadda in loo gudbiyo Eedeysanayaasha Xabsiga Dhexe si ay u soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha loo soo gudbiyay.

Maxkamadda Ciidamada ayaa iyada kiiskan u fariisatay laba jeer, markii hore ayaa aheyd 11 bishii 8-aad ugu dambeyn go’aan ka soo saartay, kadib markii ay dhageysteen Qoraalka Eedeysanayaasha, sidaas darteed ayay garsoorayaasha go’aan ku gaareen in eedeysnayaasha ay yihiin dambiilayaal galay dambiga lagu soo oogay, waxa ayna ku kala xukuntay Maxkamadda, Maxamed Cabdullaahi Cadow 15 (Shan iyo Toban ) sano oo Xabsi Ciidan ah.

Waris Maxamed Cumar 6 (Lix) sano oo xabsi Ciidan ah, halka Xassan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ay ku wada xukuntay min 1 (Hal) sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda G/Dhexe Xasan Cabdirxmaan Aadan (Wabiyow).