Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya danjire Micheal Keating ayaa kulan Magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay Madaxda maamul goboleedyadda.
Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda ayaa ku sugan Magaalada Kismaayo, waxaana lagu waddaa in ay yeeshaan sida la sheegay kulan looga hadlaayo horumarinta Soomaaliya.
Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa kala hadlay Madaxda maamul goboleedyadda sidii loo horumin lahaa maamulada iyo in la wanaajiyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxda maamul goboleedyadda ayaa dagaal hoose iyo beliba is barbaryaac kula jira dowladda dhexe ee Soomaaliya taasi oo carqalad ku noqotay inuu dalka horumar ka gaaro dhinaca amniga iyo weliba dhinaca siyasada.