Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne oo Shaqada La Eryey Kadib Kolkuu Xukumada Kheyre Ku Eedeyey Musuqmaasuq

0
84

Warqad ka soo baxday Kusimaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa Shaqadii looga joojiyey Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cumar Shariif Maye.

Wareegtada ka soo baxday Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xuseen ayaa lagu sheegay in Cumar Shariif Maye uu si bareer ah uga been sheegay Ciidamada Booliska, kuna tilmaamay in amniga dalka lagu aamini karin, ayna keenaan qaraxyada.

Cumar Shariif Maye ayaa dhawaan sheegay in Xukuumadda Kheyre ay tahay tan ugu masuqmaasuqa badneyd abid taarikhda dalka iyo sidoo kale waxa uu eedeyn u jeediyey Booliska oo uu sheegay iney qaraxyada iyaga ka dambeeyaan sida lagu sheegay Warqada ka soo baxday Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir.