Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowlada Federaalka oo Kulan La Qaatay Xubno Ka Socda Midowga Yurub

0
58

Wasiirka wasaarada waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa kulan la qaatay madaxa waaxda horumarinta adeegga bulshada Midowgga Yurub gaar ahaan Soomaaliya Mr, Olivier Louis.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Axmed Xassan iyo Maxamed Sabuul oo ka socday midowga Yurub.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa bogaadiyay tageerada iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan waxbarashada.

Sidoo kale Cabdulaahi Goodax Barre ayaa xubnaha ka socday Midowga Yurub u sheegay in guullo badan laga gaaray sameynta manhajka cusub, tababarka macalimiinta iyo tacliinta sare.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in bisha Maarso ee sannadka 2019-ka dalka Kuwait lagu qaban doono shir looga hadlayo, waxbarashada dalka islamarkana ay ka qeyb geli doonaan deeq bixiyeyaasha tageera waxbarashada Soomaaliya.

Madaxa waaxda horumarinta adeegga bulshada Mr Olivier ayaa ballan qaaday in dhankooda ay sii laba jibaari doonaan tageerada dhanka waxbarashada ee Soomaaliya, gaar ahaan hirgelinta manhajka cusub.