Baarlamaanka Dowlad Deegaaneedka oo Maanta Ansixiyey In La Bedelo Calanka Laguna Bedelo Kii Hore

0
97

Baarlamaanka Dawlad deegaanka Soomaalida ayaa maanta ansixiyey go’aanno masiiri ah oo la hadal hayey tan iyo markii la magacaabay madaxweynaha cusub, Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar).

Baarlamaanka oo saaka yeeshay fadhi aan caadi ahayn, ayaa waxay ku doorteen afhayeenka baarlamaanka oo loo doortay Cabdi Maxamed Aadan (Ugaas), Cabdullaahi Siciid Cumar ayaa isna loo doortay guddoomiyaha maxkamadda guud.

Xubnaha baarlamaanka waxay isku raaceen in magaca dawlad deegaanka uu noqdo Dawlad-deegaanka Soomaalida, lagana saaro Itoobiya.

Waxay kaloo isku raaceen calanka dawlad-deegaanka oo noqonaya mid xagga dambe ku leh xiddigta cad ee shanta gees leh ee ku dhex jirta midabka buluugga ah.

Xubnaha baarlamaanka waxay in muddo ah ka doodeen wax ka beddelka heesta calanka iyo maalinta fasaxa, waxayna ugu dambayntii ku heshiiyeen in arrimahaas loo saaro guddi ka soo talo bixiya waxa laga yeelayo.