Dhegeyso: 14 Degmo oo Ka Tirsan Degmooyinka Magalada Muqdisho oo Loo Magacaabay Garsoorayaal Cusub

0
67

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa loogu magacaabay 14 degmo oo ka mid ah degmooyinka magalada muqdisho garsoorayaal cusub magacaabistan oo qeyb ka noqon doonta isbedelada la rabo in lagu sameeyo garsoorka gobolka banaadir.

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa sheegay in Gudoomiyaha Maxkamadda Sare uu Magacaabay 24 qof oo isugu jira kuwo loo Magacaabay degmooyinka Muqdisho iyo kuwo kale oo lasoo dalacsiiyay oo ka shaqeyn doona Maxkamadda gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in Garyaqaanada cusub in laga rabo si Caddaalad ah in ay Bulshadda ugu shaqeeyan.

Garyaqaan-Abshir