Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa dacwad ka dhan ah Agaasimaha NISA iyo kuxigeenkiisa u gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, isagoo eedeymo kala duwan dusha uga tuuray.
Warqadan oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa soo baxday saacado kaddib, markii Madaxweyne Farmaajo uu dhammaan darajooyinkii Ciidanimo ka xayuubiyay Cabdalla Cabdalla.
Cabdalla Cabdalla ayaa eedeymo kala duwan u soo jeediyay Agaasimaha Nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen iyo kuxigeenkiisa Fahad Yaasiin.