Maxaadan Ogeyn oo Maanta ka Socda Magalada Baydhaba.

0
51

Wararka inaga soo garaya magalada baydhaba ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu maalintii shaley uu u gudbiyey gudoomiyaha baarlamaanka maamulka koonfur galbeed gudiga doorashooyinka oo ka kooban 10 xubnood.

Gudigan ayaa dhamaantood ah shaqsiyaad ka tirsan baarlamaanka koonfur galbeed dhamaantoodna sida la og yahay waxay gacan saar la leeyihiin musharaxa maamulka koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan taasoo ay u muuqato in shariifka uu rabo inuu maro wadadii ku shubashada.

Ma jirto ila iyo hada musharax ka gudbiyey dacwad gudigaas uu ku dhawaaqay Shariif Xasan isla markaanka uu ka aqbalay gudoomiyaha barlamaanka maamulkaas.

Wararka ayaa waxaa kaloo ay sheegayaan xildhibaano badan oo kasoo horjeeda qaabka uu Shariif Xasan usoo xushay gudiga in ay maanta ku kulansan yihiin magalada baydhaba lagana sugaayo kol dhow iney soo saaraan warsaxaafadeed ku aadan arintaas.

Dhanka kale waxaan weli soo gaarin magalada baydhaba musharixiintii shariifka kula tartami lahaa xilka marka laga reebo Aadan Saransoor oo kol hore isaga iska soo xaadiriyey magalada baydhaba isagoo halkaasi ka wada howlo badan oo ku saabsan musharaxnimadiisa halka kooxaha kale ay weli ku sugan yihiin magalada baydhaba.