Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa habeenkii xalay magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay ilaa Todobo musharax oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Xubnaha kulankan ka qeyb galay waxaa ka mid ah wadaadka Sheekh Muqtaar Roobow (Abuu Mansuur), Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti wasiirkii hore, Amina Maxamed Mursal, Yusuf Baadiyow, iyo Eng Maxamuud Maxamed Boonow.
Marka laga reebo Sheekh Muqtaar Roobow oo aan weli shaacin inuu musharax yahay, dhammaan xubnaha kale waxa ay yihiin musharaxiin u taagan u loolamida hoggaanka ugu sareeya ee Koonfur Galbeed.
Kulankan oo ilaa xalay waqti dambe socday ayaa waxaa looga hadlay doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo inay muhiim tahay inuu isbedel ku yimaado hoggaanka hada talada haya ee Koonfur Galbeed.