Michael Keating oo Markii Ugu Horeysay Qiray In Siyasada Dalka Somaliya Isku Heystaan Dowlado Shisheeye

0
53

Wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo xilku ka sii dhammaanayo ayaa ka hadlay mashkaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku jiro gacanta Soomaalida, loona baahan yahay inay si wadajir ah u wada shaqeeyaan.

Keating ayaa sheegay inaysan ahayn wax sahlan horumar la sameeyo iyadoo Al-Shabaab iyo kooxaha kale isku dayayaan inay minja-xaabiyaan dadaallada, balse waxa uu ugu baaqay inay Soomaalidu isku tanaasulaan.

Mar uu soo hadal qaaday siyaasadaha cakiran ee maalmihii ugu danbeeyay ka soo dhax cusboonaaday maamul gobolleedyada iyo dowladda dhexe ayuu sheegay in arrimahan oo dhan yihiin kuwo ka dhashay mashkalado siyaasadeed oo ku hoos duugan awooda iyo waliba sida loo kala qeybsanayo iyo dhinaca kale nidaamka federaalka oo ah mid cusub Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in la soo gaaray waqtiggii hoggaamiyayaasha Soomaalidu ay qaadan lahaayeen mas’uuliyad wadareed, oo ay ka shaqeeyaan degenaashaha wadankooda iyaga oo aan eegin faragalin xal doon ah oo uga timaada dalka dibediisa.

Keating ayaa markii ugu horeysay soo hadal qaaday kuna tilmaamay arin nasiib darro ah in ay jiraan dowladdo shisheeye oo lacago isku dhaafsanaya siyaasada Soomaaliya si awoodda loogu taageero in ay qolo gaar ah ku guuleysato ama codka kalsoonida loogu qaado koox kale, isaga oo sheegay in arinkaasi yahay kan hor taagan hormarka Soomaaliya.

Dowladda hadda jirta ayuu sheegay in ay la timid ajande culus oo dib loogu habeynayo hannaanka dhaqaalaha dalka, arintaa oo ay dusha sare kala socto ayuu yiri hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

Hadalka Michael Keating ayaa imanaya xili uu jiro khilaaf weyn oo u dhaxeeya maamul gobolleedyada iyo waliba dowladda dhexe, dhinaca kalana uu dhawaan xilka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu la wareegi doono ergay cusub oo loo soo magacaabay.