Xeer-ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya oo Sheegey Iney Gudbiyeen Dhamaan Jawaabihii Dacwada Bada

0
133

Xeer-ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya soo dhameystirtay islamarkaana gudbisay dhammaan jawaabihii looga baahnaa dacwadda Badda ee kala dhaxeysa dowladda Kenya oo taa oo hortaala maxkamada danbiyada caalamig ah.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in uu bilaawday waji cusub oo ah in Soomaaliya iyo Kenya cid walba waxa ay ku doodayso in ay keento cadeyntooda, maadaama hadda loo gudbay sheegashada lahaansha.

Waxaa bilaabanaya wareeg cusub oo dal weliba ku soo bandhigi-doono dacwadiisa iyo xujo waxa uu haayo, si go’aan kama dambeys ah looga gaaro xariiqda xadka biyaha ee labada dal.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku haya lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay cadeyso xaduuda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.