Maxkamada Ciidanka Qalabka sida oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday 5 Eedeysane

0
76

Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday 5 ruux oo dhalinyaro ah, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.

Maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa 8 sano oo xabsi ah ku xukuntay edeysanayaasha kala ah

1- Abuukar Cabdi Abiikar
2- Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon
3- Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed,

Halka labada eedeysaneoo kaola ah, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ay ku xukuntay min Shan (5)-sano oo xabsi Ciidan ah, Sida uu u sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute uu ku dhawaaqay.