War saxaafadee ay soo saareen Golaha iskaashiga maamul-gobolleedyada dalka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ka taagan dowlad-gobolleedka Galmudug,iyagoo muujiyay xaaladda ka taagan gobolka si dhow inay ula socdaan.
Golaha iskaashiga maamul-gobolleedyada ayaa xukuumada waxaa ay ugu baaqeen in si daahfuran loogu dul-shaqeeyo sharciyada iyo Dastuurka dowlad-gobolleedka Galmudug ay ku midoobeen’.
War-saxaafadeedka golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa sidoo kale ku baaqay in laamaha ammaanka dowladda federaalka ay si deg deg ah ku joojiyaan faraggelinta Galmudug, wixii khilaaf ah ee jirana lugu xalliyo qaab dastuuri ah.