Madaxda Jabuuti iyo Eritrea oo ku kulmay Sacuudiga

0
67

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa gacan qaaday dhiggiisa dalka Eretrie Esaias Afwerki xilli ay kulan ku yeesheen magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Isu soo dhawaanshaha labada dhinac ayaa yimid kadib markii wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretria ay booqdeen magaalada Jabuuti, taasoo gogol dhig u aheyd heshiis ay gaaraan labada dhinac oo in muddo ah ku dagaallamayay xudduudda.

Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdul-caziiz ayaa kulanka kahor la kulmay labada madaxweyne, waxeyna u muuqataa in Sacuudiga uu aad u daneynayo heshiis buuxa oo dhex mara labada dhinac.

Isu soo dhawaanshaha labadan dal ee Jabuuti iyo Eritrea ayaa qeyb ka ah isbaddel weyn oo ka socda gobolka, kaasoo gun-dhig u ahaa raysul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo marka la doortay billaabay inuu isbaddelo waaweyn oo dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda ah la gaaray dalalka deriska.

Sidoo kale dalalka Emaaraatka iyo Sacuudiga ayaa la sheegayaa in heshiisyadan ay garwadeenka ka yihiin ay ku doonayaan inay qeyb muuqata ku lahaadaan awoodda geeska Afrika.