Israsaaseyn ku dhex martay ciidammo ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda Soomaaliya inta u dhexeysa asluubta iyo ex-koontarool Afghooye ayaa sababtay inay ku dhaawacmaan ugu yaraan laba qof oo ay ku jirto gabar da’deeda lagu sheegay 15 sano jir.
Arrinkan ayaa dhacay xilli dambe Isniintii, waxeyna u muuqataa in labada dhinac uu muran hore ka dhaxeeyay taasoo sababtay ugu dambeyn inay is rasaaseeyaan.
Isku dhaca ayaa la sheegay inay salka ku heysay is qabqabsi la xiriira dhul. Lama hubo khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac ee is rasaaseeyay marka laga reebo khasaaraha shacabka.
Masuuliyiinta laamaha amniga ayaanan wali ka hadlin arrinkaasi, mana jirto cid la xiriirtay dhibbanayaasha oo hal kamid ah la dhigay cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ku celisay inay wax ka qaban doonto ciidammada sita dareeska dowladda ee dhibaatooyinka ku haya bulshada, kuwaasoo ku sugan magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka.