Wasiir Oomaar oo ka hadlay dhibaatooyinka heysta shacabka ku safraya diyaaradaha

0
86

Wasiirka gaadiidka iyo hawada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Canada isagoo shir la lahaa hay’adda duulista hawada adduunka ICAO ayaa sheegay inay ka war qabaan cabashada dadka musaafiriinta ah ee isticmaalaya dayaaradaha ka baxa kana soo dega dalka.

Wasiirka wuxuu tilmaamay in hubinta tayada diyaaradaha iyo badqabka rayidka ay tahay mid ay aad ugu dadaalaan, islamarkaana ay marsiiyaan dayaaradaha cusub ee ka shaqeynaya dalka hab lagu hubinayo, si loo ilaaliyo badqaka dadka musaafiriinta ah.

Oomaar ayaa xusay in saddex bil kahor ay faafiyeen in diyaaraduhu aanay 3 saac ka badan rakaabka ku heyn karin gudaha garoonka iyo sidoo kale in diyaarad rakaab sugaya aanan la kireysan karin oo meelo kale aysan aadi karin.

Wuxuu kaloo xusay in cabashada dadka safraya ay wax ka qabtaan kadib markii ay sameeyeen sanduuqa cabashooyinka, isagoo xusay in ay ka go’antahay inay si dhab ah u qaataan cabashooyinka ka imaanaya dadka safraya.

Wasiir Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa carabaabay in shirkadaha diyaaradaha ee ku guul darreysta dhaqangelinta shuruucda ay ganaaxaan, taasoo ugu dambeyn sababta inay kala noqdaan ruqsadda shaqo.