Bananbax Looga Soo Horjeedo Maamulka Degmada Kaxda oo Maanta Ka Dhacay Magalada Muqdisho

0
188

Qaar ka mid ah shacabka ku nool degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa maanta waxa ay dhigeen banaanbax ay kaga soo horjeedaan mamulka degmada Kaxda.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo ay kaga soo horjeedaan maamulka degmada Kaxda, waxayna kasoo horjeedaan laba nin oo todobaadkan bilawgiisa ciidanka booliska ay ku dileen gudaha degmadaasi, kuwaasi oo saraakiisha ciidanka ay ku sheegeen inay ahaayeen burcad.

Wararka ka imanaya degmada Kaxda ee gobolka banaadir ayaa sheegaya in xarunta maamulka degmada ay xiran tahay oo aanay ka socon wax shaqo ah, maamulka degmadana uusan soo shaqo tegin tan iyo markii ay dhacday shaqaaqada lagu dilay dhalinyaradaasi la sheegay iney burcad ahaayeen.

Ilaa hadda maamulka gobolka Banaadir kama aanuu hadlin arintaan taasoo ayana keeni karta carqalado hor leh oo ay ku shaqeyn waayaan maamulka degmooyinka haddii ay dhacaan arimahan oo kale.