Aflagadada Cabdi Weli Gaas Mala Dhihi Karaa Waxay Daliil u Tahay Dadnimo Xumada Shacabka iyo Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.

2
83

Waxaa beryahan baraha bulshada ku kulmaan la isla dhex marayaa erayo aan ku habooneyn in afkiisa ay kasoo baxaan ruuxa siyaasiga ah isla markana ku dheehan tahay cunsurinimo kaasoo uu ku hadley gudoomiyaha maamul goboleedka puntland Cabdi weli Gaas.

Cabdi weli gaas ayaa isaga o la hadlaya shacabka magalada badhan waxaa uu ku yiri “Ma aqbaleyno mana yeeleyn in deeganadeena inoogu taliyaan rag dacas watoo kasoo kicitamey degmooyinka Diinsoor, Buurkahaba iyo Xudur” oo dhamaantood ka tirsan gobolada koonfur galbeed taasoo ilaa iyo haatan aan la ogeyn wuxuu ula jeeday.

Ma aha markii ugu horeysay oo uu sidan oo kale u hadlo masuul ka tirsan maamulka puntland waxaa sidan oo kale u aflagaadeeyey shacabka koonfur galbeed Cabdirahmaan Faroole oo ahaan jirey Gudoomiyaha maamul goboleedkaas waxaa kaloo isna sidaas oo kale u af ladgaadeeyey Nabadoon Yaasiin Cabdisamad Cumar oo isna ka tirsan nabadoonada deeganada maamulka puntland.

Balse suaasha la is weydiinayaa wexey tahay waa maxay sababta keentay in shacabka koonfur galbeed sidaa loogula dhaqmo deegaanada maamul goboleedyada kale ee ka dhisan dalka isla markaana shacabka kasoo jeeda maamul goboleedyada kale loogu dhigo puntland karbet gaduudan ayado lagu daro golaha baarlamaanka maamulka isla markana loo magacaabo jagooyinka ugu fiican ee maamulka.

Waxaa ayaan daro ah in masuulka sheegta inuu masuul ka yahay shacabka koonfur galbeed iyo deegaanadooda uusan marnaba ka hadlin dhibaatooyinka loo geysto shacabka ha noqoto gumaadka ka socda Goblka Shabelaha Hoose, Muqdisho iyo weliba kan Puntland, Sidaasi si la mid ah waxaa ayagana afka xertay oo hooshii loo idmaday gabay siyaasiyiinta iyo weliba odey dhaqameedyadooda oo aad moodo ayagana iney raali ka yihiin darxumada iyo gafka mar walba loo geysto shacabka koonfur galbeed oo aan waxba galabsan.

Sidaasi daraadeed shacabka ayagaa looga bahan yahay iney iska dul qaadaan heeryada dul saaran si ay sharaftooda iyo dadnimadooda ula soo noqdaan waa iney la xisaabtamaan kuwa siyaasiyiinta u ah, Waa in sidoo kale iney la xisaabtamaan odey dhaqameedyada howshooda gabay, Run ahaantii koonfur galbeed maanta cidna uma maqna ceelna uma qodna waana shacabka ugu dulman gudaha dalka somaliya alow garadsii awoodooda.

2 COMMENTS

  1. Waxan rabaa inaan lahadlo dadka isku mashquulinaayo ninka maskaxda ka jiran oo lawada ogyahay inuu daawo maskaxeed kusocdo. U naxa dadka uu horjoogaha u yahay. Haku dayannina oo yaan qiimo looyeelin saa was nin jirran oo waalan. Nin miyir qabo waxa u kuhadlay dadka Uma quuro. Waxa uu kuhadlay waxay ku tuseysaa halka ay dadnimadiisa joogto
    Iyo dareen xumadiisa somalinimo. Feel sorry for him for his sick mind and his filthy speech.

  2. Haa waa la dhihi karaa dadnimo xumo iyo siyaasiin la,aan ay jirto k.g.s.walaal wax siyaaasi ah ma jiro k.g..s. waxaa hada joogo waa kuwa reer baadiyo ah aqoon laheyn .jaahil ah

Comments are closed.