Koox hubeysan ayaa maanta Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) qeybta Baar Ubax waxa ay ku dhex dileen gabar dhalinyaro aheyd oo ka tirsaneyd ardayda Jaamacaddaasi, sida ay xaqiijiyeen maamulka Jaamacadda.
Dabley hubeysan ayaa gudaha Jaamacadda galay waxayna si toos ah u tageen fasalka ay dhiganeysay Aamina Xuseen Xasan, halkaasi ayayna ku toogteen, fasalka waxaa gabar ka ahaa marxuumada la toogtay iyo gabar kale, halka inta kale ay ahaayeen wiilal.
Masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Soomaaliya oo la hadlaayey warbaahinta ayaa sheegay gabadhan magaceedu uu ahaa Aamina Xuseen Xasan isla markana ay ka mid aheyd ardeyda jaamacada ka baraneysay kuliyada shareecada, ayagoo intaasi ku daray ineysan ogeyn sababka keliftay in arinkan dhoco.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa wax lala yaabo ah in koox ku hubeysan bistoolado oo aan ka tirsaneyn ardeyda jaamacada nintey gudaha u galaan jaamacada isla markana qof kusoo dhex dilaan aysan jiran cid istaajin karta ama la hadli karta talow somaliya halkeey ku socotaa cudurkana maxaa lagu daweyn doonaa.