Wasiirka Warfaafinta maamul goboleedka Puntland Qarjab ayaa fasiraad dheeraad ah ka bixiyay hadalkii Madaxweyne Gaas uu ka sheegay Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ee gobolka Sool, kaasoo ay si weyn uga Caroodeen Bulshadda kasoo jeedda deegaanada koonfur galbeed.
Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uusan ka hadlin Bulshadda kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed, laakiin uu ka hadlay xubnaha Shabaab ka tirsan halka ay rabaan ha kasoo jeeddaan.
Waxaa uu xusay in ay tahay wax laga xumaado in dad sheeganaya in ay kaasoo jeeddaan Koonfur Galbeed ay difaacaan Shabaab.
Hadalka wasiirka ayaa wuxuu imanayaa ka kolkuu maalin dhaweyd hadal deelqaaf ah ku hadley madaxweynaha maamul goboleed puntland oo ahaa in ay rabaan in deeganada puntland ay ka taliyaan wiilal dacas wata oo kasoo kicitamay degmooyinka Diinsoor, Buurhakaba iyo Xudur.
Waxaan filayaa sida xogogaalada sheegayaan, maalintii gaas hadalka uur ku yaalaha afka kaxadey inuusan qaadan daawada antidepressant (Prozac) sidaas awadeed uu sirtii uurkiisa ku jirtey ay soo baxdey.
A) ilaa uu raali gelin ka bixinayo waa in Gaas shaqsiyan (Not Pentland) xiriirka loo jaraa
B) Qof walba oo ka soo jeeda xudur, diinsoor iyo buurhakaba oo dacas ku socda waa inuu *kabo* daboolan u iibiyaan
C) Markii xaal marinta iyo raali gelinta lakalo qaato waa inuu tagayaa sedexdan magaalo uu aflagaadeeyey uu lahadlaa shacbigooda si uu ugu sheego inuu daawo qaato oo maskacdiisa maqneyd maalintaas
D)Puntland waa in laga furayaa ama lagu daraa skuulooyinkooda koorsooyin lagu baranayo dhaqanka wanaagsan ee reer koonfur galbeed
👍🏽
Comments are closed.