Taliyaha waaxda caafimaadka ee hay’addaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Dr Xassan Axmed Maxamed Gacal ayaa xabsiga la dhigay sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ehelladiisa.
Taliyaha la xiray kaddib markii sida la sheegay uu qarax ka dhashay gaari uu isaga lahaa oo xiligaa hor yaalay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho, balse ma uusan saarneyn Dr Gacal gaariga qarxay.
Laamaha amniga dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal xariga sarkaalkan sare ee ka tirsanaa hay’adda nabadsugida, hasse ahaatee waxaa loo maleynayaa in su’aalo laga weydiin doono qaraxa ka dhashay gaarigaiisa.
Shalay oo kaliya magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxa labo gaari loogu soo xiray miinada nooca gaadiidka lagu dhajiyo, waxaana mid ka mid ah qaraxyadaa ku geeriyooday nin ay walaalo ahaayeen Prof Yaxye Sheekh Caamir.