Warqad qoraal ah oo kasoo baxday xafiiska Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa waxaa shaqadii looga joojiyey xoghayaha wasaaradda Jamaal Qaasim Mursal.
Ma’aha wasiirkii ugu horeeyay ee ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo sidan oo kale shaqo joojin ku sameeya xoghaye wasaaradeed arintaa oo marar badan dhalisay muran iyo is qab qabsi dhinaca sharciga ah iyo waliba cida awooda u leh shaqo ka joojinta iyo magacaabista intaba.